Tuesday, July 26, 2011

War deg deg ah : Labada Gole Ee Wakiilada Iyo Guurtida OO...

War deg deg ah : Labada Gole Ee Wakiilada Iyo Guurtida Oo Si Wada Jir ah u ansixiyey Gudoomiyaha Maxamakamada Sare.


Fadhi Ay maanta Yeesheen Labada gole Ee Guuritda iyo Wakiilada ayaa waxay cod aqlabiyad ah ku ansxiyeen Gudoomiyaha Maxamkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo uu dhawaan Soo Magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo.

Fadhigan oo uu Shirgudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro Ayaa waxaa ka soo xaadiray 109 xildhibaan oo ka mid ah labada gole taas oo ay markii uu shirku furmay ku wargaliyey in ay Maanta u fadhiyaan sidii loo ansixin lahaa Gudoomiyaha Maxakamada Sare ee dhawaan la soo magacaabay waxaana goobtaas cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen gudoomiyaha Cusub.

Fadhigan oo ay xaadir ka ahaayeen 109 ka mid ah xildhibaanada labada gole waxaan Aqbalay in uu ahaado gudoomiyaha maxamkamada sare Md Yuusuf Ismaaciil Cali, 107 ka mid ah xidhibaanadaa ka soo xaadiray halka Hal mudane uu uu Maya yidhi, shirgudoonka golahu muxuu codayn sidaas ayaanuu Ansax ku noqday Gudoomiyaha Maxamkamada Sare ee Somaliland Md Yuusuf Ismaaciil Cali oo hawshiisii uu qaranka u hayey halkaa ka sii wadan doona.

Warqabadka Togaherer
Xafiiska Hargaysa
Somalilamd
Contact@togaherer.com
Togaherer@gmail.com
Editor@togaherer.com

No comments:

Post a Comment