Tuesday, July 26, 2011

Shirweynihii Xisbiga UCID oo lagu doortay Hogaan iyo.....

Shirweynihii Xisbiga UCID oo lagu doortay Hogaan+ Garabkii Waqaf iyo Cirro oo xisbiga laga caydhiyey

Hargeysa/ToggaHerer 26 July 2011

Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID oo Goor dhawayd ku soo gabgaboobay Magaalada Hargeysa Gaar Ahaan Hotel Scandinavian ayaa waxa lagu doortay Maamul cusub oo Heer Hogamineed ah iyo heer gobol sidoo kale waxa laga cadhiyey Toban xubnood oo ka tirsan Hogaanka xisbiga UCID.

Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID ayaa lagu sheegay in ay fadhiyaan kana soo xaadireen 107 Xubnood iyada oo tirada guud ee Golaha Dhexe lagu sheegay in ay yihiin 151 Xubnood inta dhiman oo ah 43 Xubnood ayaa lagu sheegay in ay yihiin Rag ku maqan dibada Qaar Dhintay oo geeriyooday iyo Inta Xisbiga ka jabtay …

 

Haddaba Masuuliyiinta lagu ansixiyey Shirweynahan ayaa kala ah :-

Cabdilaahi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) Gudoomiye Ku xigeenka Koowaad UCID.

Cabdi Qani Garaad Maxamuud Garaad Cali Shire Gudoomiye Ku xigeen labaad UCID.

Maxamed Cali Madoobe Maxamed Jiir Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID.

Maxamed Xasan Khayre Shabaash Afhayeenka Xisbiga UCID.

 

Xubnaha Shirweynuhu ka saara kana qaaday Xubinimada Xisbiga UCID ayaa kala ah sidan:-

Xubnaha Xisbiga laga Caydhiyey oo Toban  Xubnood ah .

  1.  Xasan Xuseen Maxamed Codyare.
  2. Cabdilaahi Siciid Ismaaciil.
  3.  Adem MAxamed Mire Waqaf.
  4. Muse Inji.
  5. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro.
  6. Axmed Muumin Seed.
  7. Cismaan Afgaab.
  8. Maxamed Xasan Dirir.
  9. Xuseen Asad.
  10. Maxamed Cabdilaahi Uurcade

Maxamed Adem Qabo Xoghaya arrimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada ayaa sidoo kale shirweynaha hortiisa ku magacaabay xilkiina ka qaaday.

Xilkaqaadis Shiine Maxamed Idiris Gudoomiyihii Gobolka Hargeysa.

Xilkaqaadis Cismaan Afgaab Gudoomiyihii Gobolka Togdheer.

Xilkaqaadis Maxamed Muumin Seed Gudoomiyihii Gobolka Awdal.

Magacaabis iyo buuxin Boosaskaas.

Mawliid Xuseen Muxumed Gudomiyaha Gobolka Hargeysa.

Jimcaale Maxamed Ciise Gudoomiye ku xigeen koowaad.

Xuseen Geele Abokor Gudoomiye ku xigeenka labaad.

Qareen Mawliid Cabdilaahi Cumar Xoghayha Gobolka Hargeysa.

Mustafe Jaamac Xasan Gudoomiyaha Gobolka Togdheer

Cumar Daahir Cilmi Gudoomiyaha Gobolada Awdal iyo Salal.

Shirweynahan oo ah midkii uu iclaamiyey Gudomiyaha xisbiga UCID Eng faysal Cali Waraabe ayaanay ka soo xaadirin garabkii kale ee khilaafku soo kala dhexgalay waxana aan la saadalin Karin halka uu ku danbayn doono khilaafkan soo kala dhex galay Xisbiga UCID, inkasta oo mid waliba gaar kiisa ku adkaysanayo in uu isagu sharci yahay.

Khudbadihii Shirweynaha laga Jeediyey oo dhamaystiran Wax yar dabadeed naga dhawra Idamka Alle.

 

Warqabadka ToggaHerer

Hargeysa

Somaliland

contact@togaherer.com

Editor@togaherer.com

Togaherer@gmail.com

No comments:

Post a Comment