Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ujeediyey Dadweynaha Reer Gabiley uguna baaqay tacab wadajir iyo in ay dhagaha ka furaystaan kuwa danaha gaarka ah leh .
Gabiley/ToggaHerer 28 July 2011
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo ayaa maanta Boqolaal ka tirsan Dadweynaha Degan Gabilay kula Hadlay khudbadna ujeediyey Fagaaraha Khayriyada ee Degmada Gabiley.
Madaxaweyne Siilaanyo ayaa dadkii uu khudbada ujeedinayay u sheegay in isku duubnida Shacbiga iyo dawlada lagaga midhan dhalin karo Himilooyinka qaran ahaaneed Madaxweynaha mar uu ka hadlaayay Shirbeeleedka ayaa waxa uu sheegay in shir beeleed iyo dawladnimo meel wada gali Karin .
Madaxweyne Siilaanyo ayaa reer Gabiley ku amaanay Guushii xisbiga Kulmiye ee hanashada hogaaminta Dalka isaga oo ku tilmaamay in ay qayb libaax ka qaateen , Madaxweynaha ayaa amray kuna dhawaaqay in wadooyin iyo Rugo Caafimaad laga hirgaliyo Gabiley iyo Wajaale.
Madaxweynaha ayaa Sheegay in uu shacabka ugu dhaartay in uu cadaalad ku maamulo waxaanu sheegay in uu kari karaayay in aan dhiso xukuumad tiro badan Oo beel waliba heshi waxa ay u baahan tahay laakiin waxan dhisay xukuumad kooban oo tayo leh sidii balanqaadkii iyo barnaamijkii xisbiga Kulmiye uu ahaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aanu qancinayn Dadkii u bartay qaab dhismeedkii beelaysnaa nidaamka lagaga guurayo beelaysiga waxaanu ugu baaqay dadweynaha Reer Gabiley tacab wadajir iyo in ay dhagaha ka furaystaan kuwa danaha gaarka ah leh .
Madaxweynaha ayaa ka dib waxa uu booqasho ku tagay TogWajaale oo iyana soo maray , Khudbada Madaxweynaha ayaa intii aanu la hadlin Dadweynaha Reer Gabiley waxa uu kulamo la yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Gabiley iyaga oo ka wada hadlay Falkii Mudaharaadkii maalintii shalay lagu dhigay Madaxweyne Siilaanyo iyo Cabashada Reer Gabiley ee Xukuumada.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxa ku wehelinaya Marwada koowaad , Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada , Gudoomiyaha Kulmiye, Xildhibaano iyo Wasiiro.
Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa/Office
Somaliland
No comments:
Post a Comment