Haatufka Maanta: Niyahow Dimuqraadiyadii Somaliland Miyey Soo Asaasaqaysaa?
Haatufka Maanta: Niyahow Dimuqraadiyadii Somaliland miyey soo Asaasaqaysaa? Sawkan xisbigii UCID ee maanta Fursadu u banaanayd labada garab u kala jabay ee haatan waxa aad ka sugtaa uu yahay burbur iyo kala tag.
Kii UDUB-na siddii Ninkii ina Rayaale Jeebka ugu ritay ee uu xagaa iyo Dubai ula dhoofay isagiina ciddi ka iibsan wayday cid kalena siin waa oo xaalkeedu waxa uu noqday markii shaashka laga guray Garanuug ma moodaa oo nimankaasi dibba isuma jihan.
Meeshii Kulmiya-na waxaabay noqotay Guri-cas waa hore laga guuray oo laba qofna isuguma yimaadaan, Muxaafid iyo Mucaarid midkay tahayna lama kala garto.
No comments:
Post a Comment